Dr Xasan Sheekh Cali oo kamid ah siyaasiyiinta taageersan Dowladda Federaalka, waxna ka dhiga qaar kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu xoog ku qabsaday Kismaayo.
Wuxuu tilmaamay in ninkaan xooga ku tagay Kismaayo aaney suuragal ahayn in kursiga uu ku dhiibo doorasho, keliyana ay xilka ka qaadi karto cid ka xoog badan.
Wuxuu khalad ku tilmaamay ciidamadii Dowladda Federaalka ee la geeyay deegaanka Raaskambooni, kuwaasoo la kulmay weerar culus oo uga yimid maamulka labaxay Jubbaland.