Wednesday, January 8, 2025
HomeAll NewsSiyaasi Suudaanees ah oo Lagu Dilay Xad Beenaatka Suudaan iyo Chad.

Siyaasi Suudaanees ah oo Lagu Dilay Xad Beenaatka Suudaan iyo Chad.

Hogaamiyahan oo ahaa sarkaal millateri kana tirsanaa xisbiga lagu magacaabom Tahriiru Suudaan ee ka jira Koonfurta Suudaan, kamid ahaa xabnaha ugu muuq muuqada, ayaa maalintii Khamiista waxaa lagu dilay Suuqa magaalada Al-Diina ee dhacda soohdin beenaadka udhaxeeya wadamada Chad iyo Suudaan.

Maadaama magaalada uu kala qeybiyo xadbeenadka, wuxuu dilka ninkan ka dhacay dhanka wadank Tashaad, wuxuuna yimid kadib markii ay murmeen isago iyo nin udhashay dalka Chad.

Intii ay murmayeen ayuu sarkaalkan katirsan xisbiga siyaasiga ah wuxuu rasaas ku dhutay nin udhshay dalka Chad, kadib waa la qabtay, waxaan la geeyay saldhigga Booliska ee magaalada.

Kadib dad ay qaraabo ahaayeen ninka la dilay oo hubeysan ayaa soo weeraray saldhigga, waxayna ku fureen rasaas, halkaasi ayuuna ku dhintay.

Ninka udhashay wadanka Chad ee uu dilay hogaamiyahan waxaa lagu magacaabijiray Baxar, halka sarkaalkan katirsan ururka siyaasiga ah lagu magacaabijiray, Suleymaan Ad-Daahir.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments