Siyaasi Cabdi Nuure Siyaad, oo kamid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii hubeysnaa ee soo maray dalka, ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka aaney weligeedba wax dan ah u heyn shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in Aadan Madoobe iyo Xasan Sheekh isfahamsanyihiin, dantoodana ay fushanyaaan, qorshaha Xasanna uu yahay inuu talada gacanta kusii heysto.
Waxa uu kaloo tilmaamay in doorasho qof iyo cod ah ay riyo tahay, suuragalna aaney ahayn in xilligan la qabto, isagoo tilmaamay in Muqdisho xitaa aaney dowladdu gacanta ku wada heynin.