Siyaasi katirsan mucaaradka Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa eedeyn ujeediyay Abiy Axmed, isagoo sheegay in dalkaas uu burbur uhorseedayo.
Jawaar Maxamed oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka Itoobiyaa ayaa isagoo wareysi bixinayay waxa uu eedeymo culus u jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Xabashida Itoobiya Abiy Axmed.
Waxa uu sheegay in Abiy uu qarka u saaran yahay inuu dalka burburiyo, islamrkaana aysan umuuqan dhibaatooyinka ka jira dalkaas.
Meelo kooban oo kamid ah Itoobiya ayuu Jawaar sheegay in uu ka taliyo Abiy Axmed, inta kalana ay gacantiisa ka baxday oo uusan isagu ka talin, isagoo tusaale usoo qaatay deegaannada Oromada, Amxaarada iyo Tigreega.
Abiy Axmed ayuu ku tilmaamay inuu yahay nin ka xeynaya gaari bool bool ukala daadanaya, isagoona xusay inuu yahay nin kaligii talis ah oo ka arrimiya oo kaliya Adis Ababa.