Cabdiraxmaan Xuseen Caddow oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in tallaabada ay dhawaan qaaday Dowladda Federaalka, oo ay kula wareegtay malleeshiyaadkii Macwsiileyda gobolka Hiiraan, aaney xal u noqon doonin mushkiladda ragaadisay Baladweyne.
Wuxuu sheegay inuu hadda ka cabsi qabo in xaalad ka daran tii hore ay marti geliso magaalada Baladweyne, mushkiladuna tahay maamullada is-diidan ee halkaasi kajira.
Maalmihii lasoo dhaafay Hiiraan waxaa ku sugnaa, taliyaasha Milltieriga iyo SIrdoonka ee Dowladda Federaalka, kuwaasoo waday abaabul ay ku doonayaan iney kula wareegaan malleeshiyaadka Macwiisleyda, ee isbaarooyinka badan u yaalaan gobolkaas, si ay ugu adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, maadaama dowladdu aaney ciidan awood leh heysan, macwiisleydii horey loo abaabuleyna ay danahooda raacdeen.
Halkaan ka Degso Warka Siyaasiga