Friday, January 17, 2025
HomeAll NewsSirdoonka Kenya oo Afduubtay Wiil uu Dhalay Wasiir Katirsan Dowladda Kenya.

Sirdoonka Kenya oo Afduubtay Wiil uu Dhalay Wasiir Katirsan Dowladda Kenya.

Mid kamid ah golaha wasiirrada ee dowladda Kenya ayaa waxa uu shaaca ak qaaday, in wiil uu dhalay ay afduubteen ciidamo katirsan sirdoonka dalkaas, intii ay socdeen dibadbaxyada looga soo horjeedo xukuumadda ee sanadkii tagay ka dhacay gudaha dalka Kenya.

Justin Muturi oo ah wasiirka howlaha guud ee Kenya ayaa waxa uu tilmaamay, in wiilkiisa lasii daayay kadib markii uu arrintiisa soo fara galiyay madaxweynaha dalkaas William Ruto, madaxweynuhuna uu ogyahay cidda ka dambeeya afduubyada lagula kacay tobannaan ruux oo kasoo horjeeda dowladdiisa.

William Ruto iyo madaxda hey’adda sirdoonka ee Kenya ayaanan illaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin, eedeynta uu usoo jeediyay wasiirkaan katirsan xukuumadda Nairobi, ee aheyd iney iyagu ka dambeeyeen afduubka loo geystay wiilkiisa.

Tani ayaa waxa ay xoojineysaa eedeymo ay todobaadyadii lasoo dhaafey jeedinayeen hey’adaha sheegta iney u doodaan xuquuqda aadanaha ee ka howlgala Kenya, kuwaas oo ku aaddanaa in xubno katirsan dowladda ay ku lug leeyihiin afduubyada xad-dhaafka ah ee ka soconaya gudaha dalkaas.

Silvanus Osoro Onyiego, oo ah madaxa aqlabiyada baarlamaanka Kenya, kana tirsan xisbiga Ruto ayaa gaashaanka udaruuray eedeymaha Muturi, isagoona tibaaxay in aan wiilkiisa loo afduubin arrimo la xiriira dibadbaxyadii ka dhacay dalkaas, balse loo xiray sababo ku aaddan daraagis lagu qabtay wiilkiisa.

Isagoo la hadlaya Muturi ayuu yiri “Waxaad heysataa 3 khiyaar midkood, waa tan koobaade inaad is casihso, ama aad raaligalin bixiso, iyo in aan annaga ku ridno, sababtoo ah uma shaqeyn kartaan dowlad aad maalin kasta dhaleeceyneysaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Eedeynta kasoo yeeryay wasiirka katirsan dowladda Kenya ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay aad isku soo tarayeen wararka la xiriira afduubka baaxadda leh ee ka soconaya gudaha dalkaas, iyadoo la la’yahay boqallaal ruux oo lagu tuhmayo iney uxiran yihiin xukuumadda Nairobi.

Halkan kala deg Faafaahinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments