Ubadku waxa ay kamid yihiin nicmooyinka uu Allaah ku maneystay bani’aadamka, waxayna u baahan yihiin in si wanaagsan loo tarbiyeeyo oo lagu barbaariyo Diinta Islaamka.
Haddaba sideen ubadka yaryar ujecleysiin kartaa ilaalinta Salaadaha waajibka ah? Maxaysa yihiin tallaabooyinka ugu haboon ee laga doonayo labada waalid si ubadkoodu u noqdaan kuwa ilaaliya jamaacada Masjidka?