Website-ka Middle East Forum ayaa daabacay Warbixin uu kusoo bandhigayo Xadgudbyada Shirkadda Turkigu leeyahay ee Favori ka wado Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, halkaas oo ay gacanta ku heyso sanadihii lasoo dhaafay.
Warbixintu waxay sheegtay in shirkadda Favori uu dusha ka ilaaliyo madaxweynaha Turkiga Ordogan, sidaasi darteedna ay masuuliyiinteedu tacadiyaad kala duwan oo ay ku jiraan kuwa jinsi ah kula kacaan, shaqaalaha Soomaalida ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, si gaar ah haweenka oo ah dad nugul
Bishii September ayaa wax kamid ah wejiyada shirkadda Favori iyo dhibaatooyinka ay ka wado Muqdisho banaanka usoo baxday, markii warbaahinta ay baahiyeen kiiska masuul sare oo katirsan shirkadda oo xadgudub xaga jinsiga ah isku dayay inuu kula kaco haweeney Soomaali ah oo kamid ah shaqaalaha garoonka.
Sida ay sheegeyso warbixinta uu daabacay Middle East Forum, waxaa eedeysanaha kiiskaas uu ahaa Ardhogol Kara-feriyeeli oo ah madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha shirkadda Favori, Dowladda Federaalka oo isku dayaysa iney dejiso carada shacabka ayaa tilmaamtay iney xabsiga dhigtay ninkan, laakiin kuma sii jirin waqti dheer.
Warbixinta waxay tilmaameysaa in masuuliyiinta dowladda Turkiga ay cadaadis xoogan saareen kuwa Dowladda Federaalka, Ordogan ayaa kiiska soo galay, wuxuuna amray in eedeysanaha si degdeg ah xabsiga looga sii daayay, arintana si hoose loo dhameeyo.
Middle East Forum waxay tilmaameysaa in ehelka gabadha ee dacwada geystay Maxkamadda gobolka Banaadir lagu qasbay iney ka laabtaan dacwada, taas bedelkeedan ay qaataan lacago laaluush ah oo aan badneyn.
Ordhogol Karaferiyeele ayaa xabsiga laga sii daayay 02-dii October, waxaana uu si caadi ah u wataa shaqooyinkiisa, sida ay tilmaamayaan dadka ninkan la shaqeeyeyna waa nin aad u qallafsan oo mar weliba ihaaneysta dadka Soomaalida ah, dhinac kalena isku daya inuu ku xadgudbo haweenka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya shirkadda.
Shirkadda Favori ayaa si toos ah waxaa ugu lug leh madaxweynaha Tukriga Ordogan, waana mid kamid ah waxyaabaha masuuliyiinta shirkadan ku dhiirogelinaya iney ihaano kula dhaqaaqaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ogyihiin inaaney jirin dowlad awood leh oo wax ka qaban karta.