Shilkan oo ahaa midkii labaad ee maalmo yar gudahooda ka dhacaya dalka Iiraan, ayaa waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan.
Ugu yaraan 9 ruux ayaa dhimatay 13 illaa 15 kalena way dhaawacmeen, kadib markii ay isku dhaceen Bas rakaab ah iyo Booyad Shidaal, dhacdadan ayaana la diiwan geliyay maalintii Isniinta ee ina dhaaftay, waxayna ka dhacday gobolka Siistaan Wabaluushistaan, kaasoo dhaca Koonfur Bari ee dalka Iiraan.
Sabtidii aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii shil ka dhacay gobolka Liristaan ee dhaca galbeedka Iiraan ay ku dhinteen 10 qof, kadib markii Bas ay saarnaayeen kula dhacay meel Tog ah.
Wadanka Iiraan ayaa waxaa ku badan shilalka gawaarida, wuxuuna tiro koob 1 sano gudihiis la sameeyay sheegayaa, in dhacdooyinka la xiriirta wadooyinka ee dhaca wadanka Iiraan ay ku dhinteen dad ka badan labaatan kun oo ruux.