Dad ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay qeybo kamid ah goballada Woqooyi ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland.
Shilkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland.
Ugu yaraan 3 ruux oo isku qoys ahaa ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen shilkaan, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale.
Gaariga shilka galay oo ahaa nuuca loo yaqaanno Nohada ayaa waxaa saarnaa dad isku qoys ah, waxaana shilkaan uu kamid yahay shilal badan oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayay goballada woqooyi.