Mid kamid ah madaxweynayaashii hore ee Dowladda Fedaraalka haddana kamid ah mucaaradka ayaa eedeymo culus ujeediyay Xasan Sheekh.
Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxweynihii hore ee Dowladda Fedaraalka kana kamid ah hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa shir jiraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah, isagoona eedeymo kala duwan ujeediyay Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha Dowladda Fedaraalka.
Shariif ayaa ugu horreyn waxa uu tilmaamay in Xasan Sheekh uu doonayo muddo kororsi, suuragalna aysan aheyn in uu qabto doorasho qof iyo cod ah.
Mar uu soo hadal qaaday xiisadda ka dhex aloolsan Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Jubbaland ayuu sheegay, in ay duullaan yihiin ciidamadii ay Dowladda Fedaraalka geysay deegaanka Raaskambooni ee Jubada-hoose, waarankii loo jaray Axmed Madoobana uu yahay mid sharci darro ah, islamarkaana uu Axmed yahay hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland doorashadii uu qabsadayna ay tahay mid saxan.