Ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa billaabay iney masaajidda ku dhex baartaan dadka ku dhaqan degmada Qoryooley ee gobalka Sh-hoose.
Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay dil iyo dhac ay ciidamada Dowladda Fedaraalka ka geysanayeen degmada Qoryooley ee gobalka Sh-hoose, ayaa waxa ay hadda billaabeen in ay ciidanku masaajidda ku dhex furanayaan dadka rayidka ah.
Waxaa xirmay xarumihii ganacsiga ee magaalada, sababo ku aaddan dhaca ay askartu ku hayaan dadka, iyadoo magaalada bannaankeeda ay ku xayiran yihiin gaadiid iyagana soo gali lahaa Qoryooley sababo ku aaddan isbaarooyinka yaalla halkaas.
Mid kamid ah dadka ku sugan degmada Qoryooley ayaa ka warramaya xaaladda adag ee ka jirta degmadaas.