Jeneraal Gafeydhe oo kamid ah saraakiisha Liyu Booliiska Dowladda Itoobiya u shaqeeya, ayaa u goodiyay dadka Soomaaliyeed ee kunool gobolka Afdheer ee dhulka Soomaaligalbeed.
Sarkaalkan ayaa ku tilmaamay reer Afdheer iney yihiin dad kasoo horjeeda dowladda Itoobiya iyo maamulkeeda ugu magacaaban dhulka Soomaaligalbeed, wuxuuna ku aflagadeeyay dhaqanka wanaagsan ee ay leeyihiin oo ay kamid tahay iney saraawiisha gaabsadaan.
Wuxuu tilmaamay iney ugu yeeran doonaan dowladda Itoobiya, diyaarado dagaalna lagu duqeyn doono deegaannadooda.