Taliyaha Ciidanka kahortagga hubka Kiimikida iyo Bayaloojiga ee Ruushka ayaa lagu dilay qarax saaka lagula beegsaday magaalada Moskow ee caasimadda Ruushka.
Qaraxn ayaa ahaa mid loogu sii diyaariyay sarkaalkan sare halka laga galo dhisme la degan yahay oo ku dhinac yaalla waddo laami ah oo marta, madiqad Riyazaaniski Borsbakti ee katirsna magaalada Mooskoow.
Waxaa sido kale la dhintay sarkaalkan lagu magacaabijiray Kiriloof qof istaaf u ahaa oo la socday, wuxuuna qaraxan oo ahaa lagu sheegay inuu mid miino haleelay, xilli ay kasoo baxayeen dhismaha sida wararka qaar sheegayan.
Sarkaalkan la qaraxa lagu dilay ayaa ahaa nin ka dhexmuuqada ciidamada Ruushka, inta la ogyahayna majiro war rasmi ah oo cadeynaya cidda ka dambeysay dilka sarkaalkan iyo istaafkiisa, oo ay saxaafadda tebisay.