Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa sarkaal katirsan maamulka Xabashida Itoobiya ay ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ee ay Itoobiya gumeysato oo weerar ku qaaday rag dhalinyaro ah oo ku sugnaa deegaan katirsan dhulkaas.
Tuulada Shakisa oo katirsan degmada Ceelkarri ee dhulka Soomaali-galbeed, ayuu sarkaalku ku dhhaawacay wiil dhalinyaro ah, iyadoo intaa kadib uu rasaas ku kala ceyriyay dad doonayay iney ugurmadaan wiilka uu dhaawacay.
Intaasi kadib sarkaalka ayaa dalbaday ciidan dheeraad ah, iyagoo billaabay iney raaf u geystaan dadka rayidka ah.
Wiilka dhalinyarada ah oo muddo dhiig-baxay kadib ayaa loo qaaday xarun caafimaad, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladdiisa.
Maamulka ay dowladda Xabashida Itoobiya ka dhhisatay dhulka Soomaali-galbeed, ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa uu sii kordhiyay weerarada ay ku hayaan dadka rayidka ah.
Sidoo kale gobalka Doollo oo kamid ah Soomaali-galbeed ayaa waxaa isana ka taagan dhibaatooyin ay geysanayaan maleeshiyaadka Mustafa Cagjar.
Sarkaal lagu magacaabo Gaabane ayaa kamid ah, saraakiisha dhibaatada ba’an ku haya bulshada ku dhaqan gobalka Doollo, waxaana u xiran in ka badan 200 oo kamid ah odayaasha deegaanka, kuwaas oo si gardarro ah xabsiga loo dhigay.
Sidoo kale ciidanka loogu yeero Finas oo katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya, ayaa waxa ay dil iyo dhac ka wadaan deegaanno badan oo katirsan dhulka Soomaali-galbeed.