Saraakiil sar sare oo ay soo dirtay dowladda Itoobiya ayaa ka degay magaalada Kismaayo iyagoo la kulmay mas’uuliyiinta ugu sarreeya maamulka la baxay jubbaland.
4 diyaaradood oo ay leeyihiin dowladda itoobiya islamarkaana ay saarnaayeen saraakiil sar sare oo katirsan xukuumadda Adis Ababa ayaa shalay gelinkii dambe ka degay kismaayo.
Imaashiyaha saraakiishan Itoobiyaanka ah ayaa imaanaya xilli aad loo hadal hayo xiisadda ka dhaxeysa maamulkaasi iyo Dowladda Fedaraalka.
Dhinaca kale ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay iney ku wajahan yihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa kusoo qulqulaya wadanka.