Taliyaha Sirdoonka Dowaldda Fedaraalka Cabdullaahi Sambaloolshe, ayaa dhawaan safar uga baxay magaalada Muqdisho si uu dib ugu soo celiyo ciidamada Dwowladda Fedaraalka ee ka baxay degaanka Xawaadley kadib markii askar usocday gobolka Hiiraan lagu dilay degaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh/Dhexe.
Sambaloolshe ayaa ku guuldarreystay inuu hor istaago askartii gadoodka sameeyay, waxayna gaareen goobihii ay ku wajahnaayeen kadib dhowr maalmood oo ay socod ku jireen.
Intaasi kadib Sambaloolshe wuxuu tegay gobolka Hiiraan, wuxuuna isagoo ka hadlaya meel fagaare ah sheegay, in ciidanka soo gaaray hiiraan ee Dowladda Fedaraalka iyo kuwii horay ujoogayba dhac ku haayaan bulshada qeybaheeda kala duwan, haattanna haddii kuwa cusub aagag hor leh soo banneeyaan uu dhacu sii badanayo, halka ugu daran ee looga cabsi qabo iney arrrintaasi ku dhacdana wuxuu sheegay iney tahay Baladwayne.