Wednesday, January 15, 2025
HomeAll NewsSanbaloolshe iyo Odawaa Yuusuf Raage oo Lagu Weeraray Buulo-Burde.

Sanbaloolshe iyo Odawaa Yuusuf Raage oo Lagu Weeraray Buulo-Burde.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay, waxay fuliyeen weeraro kala duwan oo lagu beegsaday ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Shisheeyaha.

Mid kamid ah weeraradii xalay dhacay, waxaa lagu qaaday xerada ciidamada Gorgor ay ku leeyihiin degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, xilligaas oo ay xerada ku sugnaayeen taliyaashii ciidamada Milliteriga iyo Sirdoonka Dowladda Federaalka, oo kala ah Sanbaloolshe iyo Odawaa.

Madaafiic ayaa lagu garaacay xerada, waxaana la ogeyn waxyeellada rasmiga ah ee ka dhashey.

Dhinaca Gedo, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay qaraxyo ku weerareen guri ay ku qayilayeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo ku yaala magaalada Balad-Xaawo. Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa ku dhaawacmey weerarkan.

Shabeellaha Hoose, waxaa degmada Qoryooley lagu weeraray ciidamada Shisheeyaha Uganda oo xero ku leh duleedka magaalada.

Dhanka Bay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay weerar ku qaadeen saldhiga xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Qansaxdheere.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments