Salafka waxay daneyn gaar ah siin jireen ubadka soo koraya, taasoo qeyb ka ah waajibaadka diineed ee saaran waalidiinta, wuxuuna ihtimaamkan soo saaray jiil ka soocan kuwa maanta nool.
Sheekh Cazzaam Abuu Yaxya oo kamid ah culimada Diinta Islaamka, ayaa qeyb kamid ah kitaabka Xayaatu Salaf Beynal Qowli Wal Camal, wuxuu kaga hadlayaa tilmaamaha ay lahaayeen caruurta Salafka iyo sida ay Salafku ula dhaqmi jireen ubadkooda.
Xalaqaatkan ayaana hadda ku baxa barnaamijka Tarbiyada Caruurta ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan. Xalqada 16-aad ayaana ku saabsan sida aaney caruurtu uga mashquulin jireen salafka xusuusta Aakhiro.