Maalmo kadib guushii Donald Trump uu ku guuleystay tartanka doorashada madaxtnimada, waxaa ku dhawaaqay iney xilka isaga tagtay safiiraddii Maraykanka u fadhisay magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya oo lagu magacaabo Meg Whitman.
War saxaafadeed ay soo saartay maalintii shalay oo Arbaco ahayd ayay haweeneydani ku sheegtay, in madaxweynaha dalka Maraykanka ee xilka kasii dagaya Joe Biden ay ku wargelisay is casilaadeeda, ayna aad ugu faraxsantahay in sanadihii lasoo dhaafay ay Kenya ka fulineysay danaha dalkeeda Maraykanka.
” Maanta waxaan tiimka shaqada aan ku wargelinayaa, inaan is casilaadeyda u gudbiyay madaxweyne Joe Biden, sharafna waxaa ii ah inaan u adeegayay shacabka Maraykanka, anigoo xoojiyay xiriirka aan la leenahay Kenya” ayay tiri safiiradii Maraykanka dalka Kenya ee xilka iska casishey.
Waxay ku faantay Meg Whitman in tan iyo sanadkii 2022ka oo ay noqotay safiiradda Maraykanka ee dalka Kenya, ay qabatay howlo kala duwan oo ay kamid yihiin kuwa arimaha amniga la xiriira, mudadan ay xafiiska joogtana ku guuleystay iney Kenya ka dhigto xaliifka ugu weyn ee ka baxsan Nato ee ay dowladda Maraykanku ku leedahay mandiqadda saxaraha ka hooseysa ee Afrika.
” Si lamid ah safiirada kaleba, waxaan ku shaqeynayay codsiga madaxweynaha Maraykanka, shacabka Maraykankuna wuu hadlay oo wuxuu doortay madaxweyne cusub, kaasoo xilka la wareegay bisha January” ayay hadalkeeda sii raacisay, iyadoo muujisay inay go’aanstay iney xilka ka degto kahor inta aanu Trump xil ka qaadis ku sameynin.