Yafgiini Terekhin oo ah safiirka dowladda Ruushka u fadhiya magaalada Addis Ababa ee caasinadda Itoobiya ayaa taageeray qorshaha ay Itoobiya ku dooneyso qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.
Isagoo wareysi siinayay wakaaladda rasmiga ah ee Itoobiya ayuu sheegay in Ruushku uu taageero weyn siinayo in Itoobiyo ay marin-biyood ka hesho geeska afrika si ay xal ugu helaan buu yiri 120-ka milyan Itoobiyaanka ah ee aan Bad laheyn.
“Waxaan dareensanahay mushkiladda weyn ee Itoobiya ka haysata Bad la’aanta, waan ayidsanahay dedaallada uu Abiy Axmed qaaday si loo helo marin-biyood” ayuu yiri safiirka Ruushka ee Itoobiya.
Abiy Axmed oo bishii lasoo dhaafay khudbad u jeedinayay baarlamaanka dakjuusa ayaa sheegay in dhererka xeebaha geeska Afrika laga soo bilaabo
Muqdisho illaa Musawac ay gaarayaan 5 kun oo kiilo mitir isla markaana aysan suurta-gal aheyn in Itoobiya xeebahaas aadka u ballaaran dibad joog ka ahaato wuxuuna ku celiyay damaciisa ku aaddan helidda marin-biyood.
Dowladda xabashida Itoobiya ayaa marwalba oo ay ka hadasho doonisteeda badda waxay ku hadal-qabsataa iskaashi ay la gelayso dowladaha gobolka balse waxa kaliya ee ay xoogga ku qabsanayso waa Badda Soomaaliya sababa la xiriira iyadoo iska dhaadhicisay in xeebaha Soomaaliya ay beylah yihiin, oo aaney jirin cid ka difaacaneysa, iyadoo madaxdii Dowladda Federaalku ay iyaguba sheegayaan inaaney doodi ka taagneyn in Itoobiyo bad hesho, laakiin su’aashu ay tahay sidee ayay ku heli kartaa?
Dowladda Ruushka ayaa taariikh soo jireen ah u leh isgarab taagga Itoobiya, sanaddii 1977-kii markii ay dagaallameen Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu Ruushku gurmad dhan walba ah siiyay xabashida arrinkaas oo u suurta-geliyay in Itoobiyaanku dib u qabsadaan dhulka Soomaali Galbeed.