Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa maanta bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay, iney nidaamkooda difaaca hawada uu ka hor tagay xalay, weerar dhanka hawada ah oo loo adeegsaday diyaarado Drones ah, kasoo ay ku eedeeyeen iney ka dambeyso xukuumadda Ukraine ee uu dagaalku kala dhaxeeyo.
Diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ee soo weeraray ayey xukuumadda Mooskoow ku sheegtay, iney ahaayeen 59 diyaaradood, waxayna tafaasiil ka baxisay meelaha ay kusoo kala dhaceen waqtigii dhulka lasoo dhigayay.
Sida lagu xusay bayaan kasoo baxya wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka, 2 kamid ah diyaaradahan waxay kusoo dhaceen Mooskoow, 45-na gobolka Baryaansik, 6-na gobolka Kursk, 3-na Bilgorod, halka 3 kalena ay ku soo dhaceen gobolka Tula.
Ruushku ma ayasan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkan ay kusoo qaadday Dowladda Ukraine sid ay warka kasoo baxay lagu xusay.