Sida lagu shaaciyay war maanta oo Sabti ah kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruusha, waxay sheegtay iney nidaamkooda difaaca hawada uu soo riday 50 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ah, oo dul hee haabayay todobo gobol oo dalkaasi kamid ah.
Bayaan ka kasoo baxay wasaaradda dagaalka ee Ruushka waxaa lagu xusay, in diyaaradahan ay doonayeen iney weeraro ka geystaan dhulka Ruusha, waxayna bayaanka ku sheegeen meelaha ay ku soo kala dhaceen diyaaradahan.
Waxay sheegtay wasaaraddu in diyaaradahan ay burbureen, 28 kamid ahna kusoo dhacday gobolka Briyaansik, 12 kalena kusoo dhacday gobolka Kursik, halka 4 lagu soo riday gobolka Nofqorod, 2-na waxay ku soo dhacday gobolka Samuuliinisk, 2 kalena waxay usoo dhaceen gobolka Tola.
Dhinaca kale wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka waxay ciidanka Ukraine ku eedeeyneysaa, iney gaashaan ka dhiganayaan maxaabiisteeda laga qabtay ee ay gacanta ku hayaan.
Bayaan shalay lagu daabacay web-ka wasaaaradda ayaa sheegay, in ciidamada Ukraine ay maxaabiista Ruushka jirdilaan, islamarkaana qaraabadooda ka qaataan lacago madax furasho ah, si haddii ay bixiyaan uga joojiyaan jirdilka.