Xukuumadda Ruushka ayaa iyadoo ka jawaabeysa duqeymo loo adeegsaday gentaallo balaastik oo maalintii Arbacadii dhaweyd lagu weeraray dalkeeda islamarkaana kaga yimid dhanka Ukraine waxay shalay subax sawaariikh roobka oo kale uga dhigtay dalka Ukraine.
Madaxweynaha xukuumadda Kiyv oo hadlay wuxuu sheegay, in Ruushku kusoo weeraray 93 gentaal oo uu ku jiray mid laga leeyahay dhanka Kuuriyada Waqooyi oo ciiamo ka socda xukuumaddaasi ay dagaalka kula jiraan Ruushka.
Gentaallada ayaa isugu jiray noocyada Balaastiga iyo Kuruuska, waxayan geysteen khasaare hantiyeed inta la ogyahay iyagoo geystay burbur iyo in korontadii ay go’do.
Dhinaca kale dagaal foolka foolka ah ayaa xukuumadda Ukraine iyo Mookoow ku dhexmaray meel duleedka Koonfurteed kaga aaddan magaalada Borofeski ee katirsan wadanka Ukraine, waxayna ciidamada Ruushku magaaladaasi usoo jirsadeen wax yar 2 KM sida wararka qaar sheegayaan.
Magaalada ayaa ah mid istaraatiiji ah oo dhacda dhanka xadka udhaxeeya labada wadan, waxayna Ruushku isku dadayaan iney xoog kula wareegaan magaalada oo dhacda meel udhow wadankooda.