Wasaaradda difaaca ee Xukuumadda Mooskoow ayaa ku dhawaaqday iney la wareegtay magaalada Kurakhuuf ee dhacda mandiqadda Donetsk, kadib dagaallo qaatay muddo bilooyin ah.
Magaaladan uu Ruushku sheegay inuu la wareegay, ayaa dhufeys muhiim ah u ahayd ciidanka Ukriane, dagaallo badan ayeyna u galeen sidii ay udficaan lahaayeen hase ahaatee waxaa muuqata in waqtiguna ku dheeraaday weeraraduna ku bateen.
Kuurakhuuf waxaa kahor dagaaalka ku noolaa dad lagu qiyaasayay [22,000] labo iyo laabtan kun oo qof, halka maanta kadib dagaalladii Ruushku kusoo qaaday ay degan yihiin, wax kayar [10,000] toban kun, sida wararku tilmaamayaan.
Magaaladan ayuu Ruushku cir iyo dhul ka wareeray kahor inta uusan ku dhawaaqin qabsashadeeda, wuxuuna ugeystay burbur baaxad leh.
Dhanka kale xukuumadda Ukraine ayaa dhankeeda sheegtay iney dhulka soo dhigtay, 28 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahay islamarkaana uu habeen hore kusoo weeraray Ruushka, waxay sido kale intaasi ku dareen iney ka hor tagtay 38 kale.
Dagaalka ka dhanka ah Ukraine ee uu Ruushku billaabay kolkii hore ayaa noqday si ka duwan filayashii Butin madaxwaynaha Ruusiya, wuxuuna ku hungoobay hamigiisii ahaa inuu dowladdan hal mar awood ku maquuniyo, dhulka ay ka talisana wadankiisa kusoo daro.