Wararka naga soo gaaraya dalka Ugandha ayaa ku waramaya in dalkaasi ay ka da’een roobab mahiigaan ah oo dhaliyay khasaaro nafeed iyo mid hanti.
Inta ilaa iyo xiligaan la ogyahay waxaa roobabka oo dhul go’ watay ku naf waayay 15 ruux waxaana ilaa iyo haatan nolol iyo geeri lagu heynin in ka badan 100 ruux.
Sarkaal katirsan Booliska Ugandha ayaa wariyayaasha usheegay inay dhimashadu gaartay 15 ruux waxaana uu intaa raaciyay in la’layahay 113 ruux kadib markii roobab dhul go’watay ay ka da’een lex tuulo oo katirsan Ugandha.
Dadka dhintay waxaa kujira caruur sida laga soo xigtay gudoomiyayaasha Tuulooyinka ay roobabka ka da’een.
Sawirri warbaahinta gudaha ay baahisay ayaa muujinaya khasaaraha baaxada leh ee ka dhashay roobabka.
Sarkaal uhadlay kooxaha gurmadka ayaa sheegaya inay wali wadaan gurmadka ay ufidinayaan dadka ka badbaaday roobabka isagoo xusay inay suura gal tahay in dhimashadu ay intaa ka badato.
Dowladda Ugandha ayaa soo saartat digniin ku aadan roobab mahiigaan ah oo suuragal ay tahay in maalmaha soo aadan ka da’aan gudaha dalkaasi Ugandha.