Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaal-beeleedyada looga bixi karo oo kaliya in lagu dhaqmo Shareecada Islaamka.
Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay dagaal beeleedyo xooggan ka socdeen qeybo kamid ah oo dalka kamid ah ayaa waxaa dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay ka hadleen sababta looga bixi dhibaatadaas.
Waxa ay tilmaameen in Kitaabka Alle oo la isku dhaqo oo kaliya looga bixi karo colaadaha ku saleysan aanooyinka qabiil ee dalka ka huraya.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in Dowladda Xabashida Itoobiya ay hurineyso dagaalladaas.