Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay, in Dowladda Fedaraalka ay bixineyso qarash lagu tababaro ciidamo Suudaaniyiin ah.
Shir dhawaan ka dhacay magaalada Al-Qaahira ee dalka Masar ayaa qodobada kasoo baxay waxaa kamid ahaa, in dalka Soomaaliya lagu taba baro ciidamo Suudaaniyiin ah, Dowladda Fedaraalkana ay bixiso qarasha lagu taba barayo ciidankaas.
Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay, in Dowladda Fedaraalka ay bixineyso qarash lagu tababaro ciidamo Suudaaniyiin ah, iyagoo sheegay in Dowladda Fedaraalka iyada qudhaceeda ay Shisheeye biilaan iska daa iney qarash bixiso’e.