Jastin Turuudow oo ahaa Ra’iisulwasaarihii wadanka Canada, islamarkaana xilkan hayay muddo 10 sano ah, ayaa maalintii shalay is casilay, isaga oo ku sugan magaalada Otawa ee dalkaasi.
Turuudow ayaa sheegay inuu isaga tegay xilii ra’iisulwasaaranimo iyo kii xisbigiisa uu u hayay, wuxuu ugu baaqay ururka iney doortaan qof kale.
Is casilaadda ninkan 54 jirka ah ayaa timid kadib markii taageerada xisbigiisa aad hoos ugu dhacday, islamarkaan uu la kulmay eedeymo dhowr ah oo ay kamid yihiin in mas’uul ka yahay sare u kaca ku yimid sicir bararka ka jira dalka.
Kadib markii uu is casillaadda ku dhawaaqay Turuudow ras’iisulwasaarihii Canada, Trump ayaa u arkacay iney halkaasi fursadi ugu jirto, wuxuuna dib usoo celiyay baaqii Mareykanka ee ahaa iney Canada wadankooda kusoo biirto.