Masuul xil kasoo qabtay Dowladda Fedaraalka ayaa arrin halis ah ku tilmaamay, heshiiskii uu Xasan Sheekh Abiy Axmed ugu saxiisay iney qaataan weybo kamid ah Badda Soomaaliya.
Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ah Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dowladda Fedaraalka ayaa isagoo wareysi bixinayay waxa uu sheegay, in lagu degdegay heshiiskii uu Xasan Sheekh Itoobiya ugu saxiisay Badda.
Waxa uu tilmaamay in ay halis tahay in Soomaalida loo muujiyo in Itoobiya ay walaalo yihiin, madmadow soo kala dhex galayna la xaliyay, taas oo uu xusay iney khatar galineyso jiritaanka umadda Soomaaliyeed.