Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro qarax ah oo khasaarooyin dhaliyay waxa ay ka fuliyeen, degmooyin katirsan goballada Baay, Sh-dhexe iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Haddaan ku horreyno gobalka Sh-dhexe, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay qarax la beegsadeen, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa deegaan katirsan gobalkaas.
Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay Tuulada Cali Waraabaale oo hoostagta magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh-dhexe, waxaana lagu dilay 3 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka.
Dhanka gobalka Baay, weerar qarax ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, gaari C/Bile ah oo ay wateen askar katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed.
Qaraxa ayaa askarta lagula beegsaday xaafadda Buulo-Jameeco oo katirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaana jira khasaare gaaray askartaas.
Isla Xalay waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah la beegsadeen, guri ay ku sugnaayeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku yaalla magaalada Baardheere ee gobalka Gedo, iyadoo lasoo warinayo khasaare ka dhashay qaraxaas.