Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay howlgallo isugu jira qaraxyo iyo weeraro toos ah ka fuliyeen, qaar kamid ah goballada dalka iyo dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Faahfaahin ayaa laga helayaa qarax ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab askar katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka kula beegsadeen xaafad katirsan degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi lagu dilay 1 askari iyadoo mid kale lagu dhaawacay.
Dhanka kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday, xerada ay askarta Shisheeye ee Uganda ku leeyihiin degmada Qoryooley ee Sh-hoose.
Waxaa sidoo kale qarax lala beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ka baxay deegaanka Buufow kuna sii jeeday degmada Jannaale ee isla gobalkaas, waxaana ku dhaawacmay 2 askari oo uu midi sarkaal yahay.
Isla habeenkii xalay waxaa weeraro lagu miray, xeryaha ay askarta Xabashida Itoobiya iyo kuwa maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku kala leeyihiin degmooyinka Xudur iyo Waajid ee gobalka Bakool, iyadoo dhanka Baayna weerar lagu qaaday xero ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin xaafadda Makuudo ee magaalada Beydhabo.
Ugu dambeynna gobalka Mandheera ee dhulka NFD waxaa ka dhacay weerar qarax ah oo lala beegsaday kolonyo askar Kenyan ah oo kasoo baxay gobalka Wajeer siina galayay magaalada Mandheera.
Gaari Kooyal ah oo kamid ahaa kolonyada ayuu qaraxu haleelay, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii saarneed gaariga.
Intaasi kadib waxaa goobta kusoo degtay diyaarad Helicopter ah oo daabushay meydadka iyo dhaawacyada askarta Kenya ee ku waxyeelloobay weerarka qaraxa ah.