Tuesday, January 7, 2025
HomeAll NewsQaar Kamid ah Ganacsatada Suuqa Xamarweyne oo ka Cabanaya Dhulboob.

Qaar Kamid ah Ganacsatada Suuqa Xamarweyne oo ka Cabanaya Dhulboob.[DHAGEYSO]

Ganacsatada Suuqa barxadda Yaasiin ee degmada Xamarweyne oo dhawaan gubtay, ayaa sheegay in dhulkii ay ku ganacsan jireen lagu wareejiyay shakhsi ganacsade ah.

Ganacsatadan oo bananabax isugu yimid ayaa tilmaamay, in gudoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Madaale uu ganacsade ku wareejiyay dhulkooda, taasina aaney marnaba yeeli karin.

Waxay sheegeen in sodon sano kadbadan ay halkaas ku ganacsanayeen, dowladuna ay dhaqaale badan ka qaaday, hadana dhulkoodii lagu wareejiyay qof kale, taasina aaney Islaamnimo iyo Soomaalinimo ahayn.

Halkaan ka Degso Warka Suuqa Xamarweyne

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments