Xukuumadda Bakistaan ayaa duqeymo dhanka cirka ah la beegsatay dad rayad ah oo ku sugnaa xadbeenaadka udhaxeeya wadamada Afqaanistaan iyo Bakistaan.
Tiro caruur yar yar ah ayaa ku shahiiday duqeymahan oo lagu bartilmaameedsaday guryo ay leeyihiin dad shacab ah oo ku yaalla gobolka Baktika ee dhaca Bariga wadanka Afqaanistaan.
Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya caruurta yar yar ee ku shahiiday duqeynta iyo howlac weyn oo qabsaday halkii ay duqeyntu ka dhacday.
Ciidamada cirka xukuumadda Islaama-Baad ayaa sidan oo kale dhowr jeer duqeymo uga fuliyay gudaha Afqaanistaan, iyagoo ku xasuuqay caruur iyo haween.