Odayaashaan oo kulan ku yeeshay deegaan hoostaga magaalada Warsheekh ee gobalka Sh-dhexe, ayaa waxa ay ku sheegeen iney kaga soo horjeedaan qurshe uu Xasan Sheekh la damacsan tahay magaalada, taas oo uu kaga iibsanayo dad ganacsato ah.
Waxa ay tilmaameen in markii uu Xasan soo xaalufiyay magaalada Muqdisho uu iminka usoo dhigtay goballada dalka, taasna aysan ka aqbali doonin.
Haddii dhismo laga billaabo magaalada ayay sheegeen in laga dhaxli doono burbur iyo dhibaato, taas kahorna ay haboon tahay in bannaanka laga maro.