Mujaahidiinta Jaamaacada Nustratul-Islaam Wal-Muslimiin oo dagaal adag kula jira askarta xukuumadda Burkiina-Faaso, ayaa weerar xooggan dhawaan ku ekeeyay, xarun ciidan oo ay ku lahaayeen mid kamid ah gobollada wadankaasi, waxayna ku dileen 7 askari halka ay kasoo furteen hub 5 mooto iyo agab kale.
Mar kale waxay Mujaahidiinta Jamaacadu weerar ku eekeeyeen xarun kale oo ay askarta xukuumadda ku lahaayeen degaan katirsan wilaayada Fadaqarooma, halkaasi waxaa askarta Burkiina-Faaso looga dilay 2 askari, hub agab kale iyo 3 mootana waa laga soo furtay.
Mujaahidiinta Jaamaacada Nustratul-Islaam Wal-Muslimiin sido kale weerar xooggan waxay ku qaadeen, bar ciidan oo ay ku sugnaayeen askarta Burkiina-Faaso oo ku taal gudaha wadankaasi, waxayna weerarkan ku dileen 15 askari, halka ay soo furteen noocyo kala duwan oo hubka kamid ah iyo agabyo kale oo ay askartu isticmaalayeen.
Weerarada ay Ciidamada Mujaahidiinta Jaamaacada Nustratul-Islaam Wal-Muslimiin la beegsadeen askarta Burkiina-Faaso waxaa kamid ah, labo qarax oo ay la beegsadeen labo gaari oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda wadankaasi, waxayna labadani qarax gebi ahaaba burburiyeen gawaaridii ay haleeleen, iyagoo sido kale khasaare gaarsiiyay askartii la socotay.
Dhinaca kale , Jaamaacada Nustratul-Islaam Wal-Muslimiin ayaa soo saartay tiro koobka howlgalladii ay fulisay Bishii Rabiicul-Thanii ee Sanadkan 1446 Hijriyada.
Marka laga soo tago khasaaraha maaliyadeed ee gaaray ciidankii kala duwanaa ee ay weerarada la beegsadeen, waxay dileen kaliya bishii lasoo dhaafay tiro ka badan 174 askari, halka ay jiraan maxaabiis la qabtay intii ay howlgalladu dhacayeen.
Kaliya bishaas, waxay Jamaacadu fuliyeen in ka badan 30 weerar oo ah kuwa tooska ah ee lagu qaadayo xerooyinka iyo gaabaha ciidan oo kale, 6 weerar oo dhabbagal ah, burburinta wax ka badan 32 gaari, 11 qarax oo miino ah, 3 weerar oo nafhur-nimo ah, wax ka badan 110 mooto laba lugooleey oo ay gacanta ku dhigeen, hub kala duwan oo kor udhaafaya 217, iyo 4 weerar oo madaafiic loo adeegsaday.