Friday, January 10, 2025
HomeAll NewsNusratul-Islaami Wal-Muslimiin oo Weeraro Xooggan ka Fulay Mali iyo Burkinafaso.

Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin oo Weeraro Xooggan ka Fulay Mali iyo Burkinafaso.

Weeraro laxaad leh ayey Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin dhawaan ku qaadeen xarumo kala duwan oo ay xukuumadda Mali ay ku leedahay magaalada Niyuuru ee katirsan dalkaasi.

Weeraradan oo ahaa kuwo toos ah islamarkaana ay ka qeyb qaateen askar katirsan Mujaahidiinta Jamaacada, ayaa bartilmaameedsaday xarumo ay leedahay dowladda Mali oo isugu jira kuwo ciidan iyo kuwo maamul intaba.

Kadib markii ay xabaddu billaabatay waxaa xarumahan isaga cararay wixii askar iyo xubno maamulka katirsan ah ee ku sugnaa, waxaana goobahan la wareegay ciidanka Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin.

Weerardaasi waxaa ka dhashaty khasaare hantiyeed oo soo gaaray xukuumadda Bomako, waxaa laga gubay 5 gaari, 2 mooto Dhugdhigley oo ay ka carareenna waa laga furtay.

Kadib weeraradan markii ay dhaceen Mujaahidiinta Jamaacadu waxay isaga baxeen xarumihii ay la wareegeen, waxayna goobihii ay ka yimideen ullaabteen iyagoo guul iyo gacmo buuxo wata.

Kadib xukuumadda Mali waxay leysay qaar kamid ah shacabka magaalada Niyuuru ee ay weeraradu ka dhaceen, waxayna warbaahinta ka sheegeen iney dadka xasuuqeen yihiin ragii weerarada soo qaaday oo ay laayeen, waana sida lagu yaqaan xukuumadaha la shaqeeya shisheeyaha markii laga guuleysto waxay carada ay qabaan kala  dul dhacaan dadka rayadka ah, iyagoo ku tilmaama wax aysan ahayn.

Dhanka kale, askar katirsan dowladda Burkiina-Faaso oo ku sugnaa bar-koontarool ku taalla Yaalqo oo kamid ah gobolka Tankodoqo, ayaa waxaa weerar ku qaaday ciidamo katiraan Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin, askartii Burkiina-Faaso ee koontaroolka ku sugnaa ayaana iyagoo aan dheg la qabto lahayn isaga baxsaday goobta, waxaana laga soo furtay hub sedax mooto laba lugooleey iyo agabyo kale, halka laga gubay mooto Dhugdhugleey kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments