Weeraradan oo ahaa kuwo qorsheysan, ayey aroor hore kula jarmaadeen Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin, Baraha-koontarool ee ay calooshood ushaqeystayaasha Fagner iyo askarta xukuumadda Mali ku leeyihiin, magaalada Doyintizaa ee dalkaasi.
Dagaalladan ayaa ka dhacay albaabada laga soo galo magaalada, waxayna durbaba billaabeen malleeshiyadii iyo askartii ku sugneyd koontaroolladan, iney isaga cararaan goobta dagaalka.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa askarta Mali iyo murtazaqada Fagner ka furtay hub iyo rasaas farabadan, mooto Dhug dhugleey iyo agabyo kale, waxaana lagu arkayaa sawirro ay baahisay mu’asasada Az-Zallaaqah ee ku hadasha Afka Jamaacada.
Marar badan ayey malleeshiyada Fagner ee Ruushku sameystay iyo ciidanka Mali la kulmeen weeraro laayaan ah oo uga yimid dhanka Nusratul-Islaam Wal-Muslimiin.