Maalintii shalay qarax miino oo aad uxooggan ayaa lala beegsaday ciidamoa katirsan kuwa Niger, wuxuuna ka dhacay meel baadiye ah oo ku taalla gobolka Taylaabeeri.
Khasaare culus oo isugu jira naf iyo maal, ayaa halkaasi lagu gaarsiiyay ciidanka Niger, gaarigii qarax lala beesaday ayaa gebi ahaanba burburay, iyadoo ay ku le’deen dhamaan askartii saarneyd.
Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay oo ay faafisay Mu’asasada Az-Zallaaqa, ayaa muujinaya gaariga oo uu kala jaray qarax islamrkaana ay go’day qeybta gore ee loo yaqaan shirka.
Sid kale isla shalay waxay ciidanka Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin qarax miino la beegsadeen ciidamo katirsan kuwa Burkiina-Faaso oo roondo ku jiray, mana helin faahfaahinta intaasi ka dheeri ah iyo inta uu la eg yahay khasaaraha gaaray.