Mujaahidiinta Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin ee ka dagaallama saxaraha iyo saalika Afrika ayaa dhawaan fuliyay weeraro kala duwan oo lagu beegsaday xukuumadaha Maali Burkiina-Faaso iyo malleeshiyaadka Fagner.
Haddii aan ku bilowno howlgalka koobaad, Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin ayaa weerar ku qaadday xarun ciidanka Burkiina-Faaso ay ku leeyihiin gudaha dalkaasi iyadoo sido kale kamiin udhigtay ciidamo kale oo socdaal ku jiray, waxayna weeraradaasi kaga dishay 7 askari, halka ay kasoo furtay 5 mooto Dhugdhugleey hub iyo agbyo kale.
Sido kale Mujaahidiinta jamaacadu waxay kamiin udhigeen ciidamo katirsan kuwa Burkiina-Faaso oo Roondo ku jiray, weerarkan wuxuu ka dhacay gobolka Diidoqo, kaman helin faahfaahin intaasi ka dheeri ah.
Dhanka kale, shalay gaari ay leeyihiin ciidamada maali iyo malleeshiyada Fagner, ayey shalay galab Mujaahidiinta jamaacadu waxay qarax kula beegsadeen afaafka hore ee magaalada Ajlahoog oo dhacda mandiqadda Kidaal.