Ciidamo katirsan Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin ayaa waxaa usuuragashay iney qarax miino la beegsadaan, askar katirsan xukuumadda Burkiina-Faaso, wuxuuna ka dhacay wilaayada Diidooqoo.
Weerarkan qaraxa ah, waxaa ciidanka Burkiina-Faaso kasoo gaaray khasaare nafeed, inkastoo aan la xaqiijin inta uu la egyahay.
Isla maalintaasi qarax kale oo isna miino ahaa kana dhacay wilaayada Diidooqoo, ayaa lala beegsaday askar kale oo katirsan xukuumadda Burkiina-Faaso, waxaana weerarkaasi kasoo gaaray khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.
Dhinaca kale Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul-Islaami Wal Muslimiin waxay qarax ka dhacay dalka Maali la beegsadeen gaari ay leeyihiin ciidamada Maali.