Weerarada askartan lagu beegsaday ayaa ah howlgallo gaar ah oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday askari waliba, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira naf iyo maal intaba oo soo gaaray xukuumadda Burkiina-Faaso.
Holwgalka koobaad oo lagu beegsaday askari kaligiis ah oo katirsan dowladda Burkiina-Faaso, ayaa waxaa looga furtay qorigii u uku hubeysnaa.
Howlgal labaad oo lagu dilay askari katirsan isla xukuumadda wadankaasi ka Talisa ayaa ka dhacay duleedka magaalada Fadanqarooma, waxaana laga furtay qori A47 ah oo u uku hubeysnaa iyo mooto Dhugdhufleey uu watay.
Weerarada ay saxaraha iyo saaxilka Afrika ka wadaan Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin ayaa ah kuwo sii laba lixaadsanaya marba marka ka dambeysa, waxaana khasaarooyin kala duwan la kulmaya xukuumadaha ka jira dalalka dhaca saaxilka iyo saxaraha.