Maalmihii lasoo dhaafay Mujaahidiinta Jaamacada Nusratul-Islaam Wal-Muslimiin waxay qaadeen weeraro xooggaan oo ay ku beegsadeen ciidanka xukuumadda Burkiina-Faaso, waxyana gaarsiiyeen khasaare isugu jira naf iyo maal intaba.
Dhawaan dagaal ay askar katirsan Jaamacada Nusratul-Islaam Wal-Muslimiin ku qaadeen xarun ay askarta Burkiina-Faaso ku lahaayeen wilaayada Fadanqarooma waxay ku dileen ugu yaraan 2 askari, halka ay kusoo furteen hub iyo saanad ciidan, islamarkaana ka gubeen gaadiid iyo mootooyin.
Sidaasi si lamid ah waxay dhawaan weerar ku ekeeyeen xarun ciidanka Burkiina-Faaso ay ku lahaayeen wilaayada Tankoodoqoo, waxayna halkaasi ku dileen 3 askari, iyagoo soo furtay hub iyo saanad ciidan, 11 mooto dhug dhugleey ah, 5 kalena gubay.
Weerar kale oo sedaxaad ayey ugu hor tageen ciidamo katirsan kuwa burkiina-Faaso oo duulaan kusoo ahaa wilaayada Diidoqo, waxayna ka furteen 4 mooto laba lugooleey ah, iyo diyaarad daroon ah.