Diyaaraddan rakaabka ah oo laga leeyahay dalka Switzerland ayaa safar u ahayd magaalada Bukhaaristi ee katirsan wadanka Roomaaniya, waxaana loo bedelay duulimaadkeedi magaalada Qaraatis oo katirsan wadanka Austria.
Diyaaraddan waxaa ku timid cillad farsamo oo dhanka matoorka ah, waxayna sababtay in diyaaraddii uu gudaheeda qiiq buuxiyo, taasoo dadkii rajaabka ahaa naftooda halis gelisay.
Waxay arrintaasi sababtay in si deg deg ah ay ugu degto magaalada Qaraatis ee dalka Austria, waxayna xilliga arrintaasu dhacayso ahayd 23 December ee 2024-kii.
Kadib markii diyaaraddu ka degtay garoonka waxaa isbtitaal loola cararay labo kamid ah shaqaalaha diyaaradda oo markiisi xaalad halis ah ku jiray, waxaana ugu dambeyn maalintii Isniinta ee aynu soo dhaafnay dhacdadaasi awgeed u geeriyooday mid kamid ah shaqaalihii diyaaradda, oo sababsaday qiiqa naqaska dadka ku celiyay ee diyaaradda cilladowday.
Maalintii shalay ayaa lagu dhawaaqay dhimashada qofkan kamid ahaa shaqaalaha diyaaradda, halka 74 ruux oo ahaa rakaabka diyaaradda la sheegay iney badbaadeen.