Warsaxaafadeed kasoo baxay hey’adda duulista rayidka ee dowladda Nigeria ayaa xayiraad lagu saaray, diyaaradaha duulimaadka ee sharikadda Ethiopian Airlines ee ay leedahay dowladda Xabashida Itoobiya.
Waxaa sharikadda duulimaadyada Itoobiya lagu eedeeyay, in xadgudubyo iyo dhac loogu geysto diyaaradahaan dadka u dhashay dalka Nigeira..
Waxyaabaha lagu eedeeyay sharikadda duulimaadka ee Xabashida Itoobiya ayaa waxaa kamid ah, in aysan sharikaddaasi soo celin lacaga baaqiga u ah rakaabka marka ah tikidka goostaan, iyo in dadka baaqda ee lacagtooda aheyn in loo celiyo aan dib loogu celin.
Waxaa intaas dheer oo lagu eedeeyay dhac iyo xatooyo ay ku kacaan sharikadaha Ethiopian Airlines, iyadoona xukuumadda Abuja sheegtay iney xayiraadahaan sii socon doonaan illaa wax iska badalayaan.