Thursday, January 9, 2025
HomeAll NewsNidaamkii Nuseyriyada oo ku Dhawaad 100 Saraakiil Katirsan Muqaawamada Filastiin ku Dilay...

Nidaamkii Nuseyriyada oo ku Dhawaad 100 Saraakiil Katirsan Muqaawamada Filastiin ku Dilay Xabsiyada Suuriya.

Tan iyo wixii ka dambeeyay kacdoonadii gugii Carbeed ee 2011-kii wuxuu nidaamkiii Bashaar Al-Asad ee ka talinjiray Suuriya, xasbiyada uu leeyahay ku guray saraakiil sar sare oo kamid ahaa kuwa ugu waawey muqaawamada Falastiin.

Saraakiishan sar sare oo gaarayay illaa 94 sarkaal, ayuu nidaamkii Nuseyriga ahaa tan iyo xilligaas xabsiyada uu lahaa gudaha dalkaasi ku dhex dilayay, isagoo aan marsiin wax maxkamad ah.

Xogta la xiriirta in la dilay saraakiishan waxaa la helay oo kaliya, kadib markii xilka laga tuuray dhiiya-cabkii Bashaar Al-Asad iyo nidaamkiisii, waxaana dukumiintiyada cadeynaya arrintan loogu tegay xaruntii dhexe ee hay’addii sirdoonka ee nidaamkii Bashaar, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Bashaar Al-Asad iyo dowladda Shiicda ah Iiraan waxay waligood ahaayeen kuwo isku muujiya iney garab taagan yihiin Muqaawamada Falastiin, hase ahaatee waxay dadka xog ogaalka ah shegayaan in Bashaar uusan arrinkaasi dhab ka ahayn balse ku qasbnaa inuu daadka israaciyo, maadaama gaashaambuurtiisa oo ay kamid ahaayeen Iiraan iyo ururka Shiiciga ah ee isku magacaabo Xisbullaah arrintan faraha kula jireen.

Tan iyo intii xukunka laga tuuray Dhiig daadiyihii Bashaar waxaa gudaha dalkaasi marba marka ka dameysa banaanka usoo baxaya qaar kamid ah gabood falladii uu geystay nidaamkiisii, waana arrin muujineysa heerka uu ninkan ka gaaray gumaadka basharka iyo baabi’intooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments