Sunday, December 22, 2024
HomeAll NewsMuxuu Yahay Qorshaha Fashilmay ee ay Yahuudda & Imaaraatka ku Kala Qeybinayeen...

Muxuu Yahay Qorshaha Fashilmay ee ay Yahuudda & Imaaraatka ku Kala Qeybinayeen Suuriya?

Tifaftira Website-ka Middle East Eye ahna saxafi u dhashy wadanka Ingiriiska ayaa daaha ka rogay, in kooxaha Kacdoon Wadayaasha ee la wareegay talada wadanka Suuriya ay fashiliyeen, qorshe ay ku taamayeen Yahuudda iyo Imaaraadka oo ahaa iney Suuriya ukala qeybiyaan 3 qeybood.

Saxafigan oo lagu magacaabo David Hirst wuxuu sheegayaa, in qorshaha Yahuuddu ahaa in dalka Suuirya laga dhigo sedax mandiqad Juqraafiyadeed oo kala ah:

1-Malleeshiyada Kurdiyiinta oo Waqooyi Bari dalka loo gacan geliyo.

2- Koonfurta wadanka oo Shiicda ah Duruuzta loo gooyo.

3- Iyo Bashaar Al-Asad oo isaguna Dimishiq sii haysta imaaraat-kuna halkaasi ku ilaaliyo maalgelinna Siiyo, si uu u ilaaliyo Shiicada joogta Koonfurta ee udhow taliskiisa.

Qorshahaasi wuxuu noqday mid gebi ahaanba fashil kusoo dhamaaday, kadib markii maalmo kooban si fudud ay wadanka kula wareegeen Kooxaha Kacdoon Wadayaasha Suuriay, talada laga tuuray Bashaar Al-Asad.

Waxay arrintaasi fashil iyo waji gabax ku noqotay Yahuudda iyo xukuumadda Imaaraat-ka oo ay hoos ku wadato, cadaawadda Yahuuddu ay uheyso Muslimiintana waxay keentay, in markii uu bashaarkii Mujrimka ahaa meesha ka baxayba ay duqeymo iyo duulaan ciidan oo dhulka ku billaabaan wadanka Suuriya, kaasoo aysan illaa iyo haatan wali joojin.

Meelaha ay dhawaan duulaanka millateri ku tageen waxaa kamid ah magaalada Darca ee dhacda Koonfurta dalkaasi, waxayna halkaasi ku dhaawaceen wiil yar oo Suuriyaan ah.

Xukuumadda Imaaraat-ka Carabta ayaa mar waliba ka qeyb qaadata hagar daameynta umadda Muslimiinta, waxayna shirqoollo waaweyn oo ka dhanka ah Musliimta ka gacansiisaa Shisheeyaha ay ugu horreeyaan Yahuudda iyo Mareykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments