Hogaamiyaha kooxda RSF ee Suudaan Maxamed Xamdaan Doqlo, ayaa dhawaan si lama filaan ah waxa uu weerar afka ah ku qaaday dowladda Masar ee dariska la ah Suudaan, isagoo dusha kaga tuuray masuuliyadda jabka ciidankiisa ku gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobalka Sanaar ee Suudaan.
Doqlo ayaanan ku ekeysan eedeynta nidaamka Siisi, balse waxa uu diray farriimo goodis ah, isagoo sheegay inuu gacanta ku hayo ciidamado Masaari ah oo ay ku qabteen dagaallo ka dhacay Suudaan.