Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaMuwaadin Kenyaan Muslim ah oo Kasoo Muuqday Maxkamad ku Taalla Maraykanka.

Muwaadin Kenyaan Muslim ah oo Kasoo Muuqday Maxkamad ku Taalla Maraykanka.


Joolo Cabdi Cabdullaahi, oo ah muwaadin kasoo jeeda dalka Kenya, ayaa Maxkamad ku taalla dalka Maraykanka waxay ku eedeysay inuu qorsheynayay weeraro lamid ah kuwii 11 September oo ka dhaca gudaha dalka Maraykanka, loona adeegsado diyaaradaha rakaabka.

Bishii July sanadkii 2019-ka ayaa ninkani muslimka ah oo 34 sano jir ah, waxaa laga soo qabtay dalka Filibiin, halkaas oo uu ku baranayay sida loo duuliyo diyaaradaha, waxaana markaasi kadib loo wareejiyo dalka Maraykanka, halkaas oo uu xilligani ku xiranyahay.

Merrick Garland oo ah xeer ilaaliye Ameerikaan ah, ayaa sheegay in Joolo Cabdi Cabdullaahi, uu qorsheynayay inuu fuliyo weerar laayaan ah, oo beegsada shacabka Maraykanka, isagoo ku dayanaya dhalinyaro muslimiin ah oo dhowr iyo labaatano sano kahor Maraykanka gudihiisa ka fuliyay weerarkii ugu cuslaa abid ee beegsada dowladda Maraykanka.

Sida ay sheegeyso maxkamadda Ameerikaanka ah ee uu kasoo muuqday ninkan muslimka ah, wuxuu kusoo tababartay Soomaaliya, isagoo ku biiray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, laakiin majirto ilo ka madax banaan Ameerikaanka oo xaqiijin kara warkan ama qirasho lagu kalsoonaan karo oo uu sameeyay Joolo Cabdi Cabdullaahi.

Damian Williams oo ah xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in Cabdalla uu masuul ka yahay isku deyga soo celinta weerar dhiig badan ku daata oo ka dhaca Maraykanka, sidaasi darteedna uu muteysan karo xabsi daa’in.

Dowladda Maraykanka ayaa hogaamineysa dagaalka ka dhanka ah Muslimiinta meel weliba oo ay dunida ka joogaan, waxaana ay hadda masuul ka tahay xasuuqa sanad jirsaday ee lagu hayo Muslimiinta Qazza, tani ayaana dhalinyaro badan oo Muslimiin ah waxay ku riixdaa iney ku fakaraan fulinta weeraro ka dhan ah Maraykanka iyo shacabkiisa.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments