Madaxweynaha maamulka labaxay Soomaaliland Muuse Biixi, ayaa markale ku celiyay iney ka go’antahay meel marinta is-afgaradkii xaaranta ahaa ee uu la gaaray Abiy Axmed.
Kalimad qeyb ka ah ololihiisa doorashada, ayuu Muuse Biixi ku sheegay in dekadda Berbera ay Itoobiya u dhisayaan, ciidankeeduna ku wareejin doonaan qeyb kamid ah badda Cas, taas bedelkeedana ay Itoobiya u aqoonsan doonto maamulka Soomaaliland dal ka go’ay Soomaaliya.